Xoghayaha Difaaca Maraykanka oo ka badbaaday mooshin xilka looga qaadi rabay

Xoghayaha Difaaca Maraykanka, Pete Hegseth ayaa ka badbaaday mooshin xil ka qaadis ah isaga oo sababsanaya dagaalka dalkiisa uu kula jiro Iiraan jab iyo ceeb ku noqday dalkiisa kana caroodeen xubno katirsan Baarlamaanka Dalkaas.

Inkasta oo aan Pete Hegseth looga harin sidaas balse hadda waxa uu wajahayaa guddi Baarlamaan oo kala shiraya arrimaja lagu haysto ee doodaha culus dhaliyay sida ay ku warrameen siyaasiyiin, suxufiyiin iyo dad kale oo si dhow ula socday kiiskiisa.

Xubno katirsan Xisbiga Dimuqraadiga ayaa fadhiga ka maqnaa kuwaas oo la sheegay in haddii ay joogi lahaayeen xaaladu adkaan lahaa inkasta oo weli awoodda aqalka gacantooda ay ku jirto sida ay ku warrameen xeel dheerayaal siyaasadeed oo si dhaw ula socday arrintaan.

Pete Hegseth ayaa dareemaya culays siyaasadeed oo gudaha dalkiisa ah iyo kan bannaanka waana tan keentay in uu marar badan raadiyo taageero kala duwan si uu wax uga baddelo iska caabinta Iiraan oo uur ku taallo ku noqotay awooddiisa.

Mustaqbal

 

MM Editor

Read Previous

Maraykanka oo faahfaahin ka bixiyay sababta uu uga guuray Ballidoogle.

Read Next

Ciyaaryahan Vinícius Jr oo fariin qiiraysan u diyaaray 13 jir Suudaanees ah oo lugihiisa ku waayay Duqayn