Ciidanka Danab oo howlgallo ka dhan ah AS kawada xadka u dhaxeeya labada Shabeelle
Madaxii hore ee Sirdoonka Jarmalka, August Hanning ayaa loo xiray eedeyn ku saabsan in sirta Qaranka ee Dalkiisa uu la wadaagay quwado shisheeye oo aan si rasmi ah loo shaacin waxa uu ku baddeshay iyo waxa ay yihiin quwadahaas.
Hay’adda sirdoonka Dibadda Jarmalka ayaa xaqiijisay in Hanning loo haysto eedahaas uuna xiran yahay, mana bixin faahfaahin intaas ka badan sida waqtiga lasoo taagayo Maxkamad iyo haddii ay jiraan dad kale oo la xiran.
Intaas kadib, Warbaahinta Jarmalka qaarkood ayaa dabagal ku samaysay eedahaas waxaana ay bannaanka keenay in uu August Hanning uu Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan uu la wadaagay macluumaad ku saabsan Barnaamijka Nukliyeerka.
Sidoo kale waxa uu Militariga Ruushka oo siyaasad ahaan Jarmalka ay is hayaan uu la wadaagay siraha qaranka sida hubka iyo arrimo kale oo militari, eedahaas waxaa iska diiday Qareenkiisa oo ka falceliyay macluumaadka ay soo bandhigtay Warbaahinta.
Mustaqbal
