Isbahaysiga Sacuudiga hor boodayo & Xuutiyiinta oo is dhaafsaday duqaymo culus

Dalalka xuduud wadaagga ah ee Yemen iyo Sacuudi Carabiya ayaa wajahaya xaalad nabadgalyo la’aan kaddib markii Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo oo kaashanaya ciidamada Dowladda caalamka aqoonsan yahay ee Yemen ay beegsaday goobo ay joogeen Xuutiyiinta.

Jabka gaaray Xuutiga waxa uu ku qasbay in gantaallo aan xadidnayn ay ku garaacaan Boqortooyada Sacuudi Carabiya kuwaas oo saamayn taban ku reebay nabadgalyada ka jirta Dalkaas Carbeed sida ay ku warrameen ilo kala duwan.

Sacuudiga oo kaashanaya Dalal kala duwan ayaa xoogga saaray sidii uu u xiri lahaa Hawadiisa looga hortago gantaallada ka imaanaya dhinaca Xuutiga ee bartilmaameedka u ah xarumaha muhiimka ah sida garoomada diyaaradaha, kuwa shidaalka iyo kuwa lamidka ah.

Dhinaca kale, Yemen waxaa ka socda duqaymo ay fulinayaan diyaarado badan oo ay wataan isbahaysiga Sacuudiga halka dhinaca xeebaha iyo dhulka ay ka dagaalamayaan ciidan wata Gaadiid nooca aan sida fudud xabadaha u Karin.

La soco wixii kasoo baxa

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Aby Ahmed oo mar kale loo doortay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya

Read Next

Maraykanka oo muwaadiniintiisa uga digay in ay u safraan Sacuudi Carabiya