Canada oo Xoogga saaraysa in ay Yurub la wadaagto xiriir ka madaxbannaan Maraykanka

Dowladda Canada ayaa doonaysa in ay dalalka Yurub la samaysato xiriir ka madaxbannaan Maraykanka maadaama muddo ay ku hoos jirtay qaanadda Ameerika oo marka cilaaqaad lala samaynayo loo tiirin jiray dhinaca Dalka deriska la ah.

Ra’iisul Wasaaraha Canada, Mark Carney ayaa sheegay in qorshaha uu ka damacsan yahay Dalalka Yurub uu yahay sida in ay ula dhaqmaan in dalkiisa uu xubin ka yahay ama ka tirsan yahay qaaraddaas sida uu hadalka u dhigay.

Meelaha diiradda uu saarayo waa fududaynta Ganacsiga, Badeecadaha, shaqaalaha iyo horumarinta mashaariicda Teknoolajiyadda isla markaana Dalkiisa uu door muuqda ka qaadan doonno ku dhaqaaqista go’aankaan cusub.

Canada waxa ay is hayaan Maraykanka oo kala bar canshuur ah saaray badeecadaha Dalkaas, waxa ay khubarrada Dhaqaalaha ka digeen shaqo la’aan iyo qiima beel lacageed oo ka dhaca Gobollada Dalkaas ee xiga dhinaca Maraykanka.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Ruushka oo lagu eedeeyay dagaalka in Ukraine uu u adeegsado Ajaanib Soomaali ay ku jirto

Read Next

Jabuuti oo qaabishay Qaxooti kasoo cararay Colaadda Yemen