Madaxa Golaha Madaxabannaan ee Suudaan, Janaraal Cabdilfitaax Al-Burhaan ayaa maanta gaaray Magaalada Asmara EE Caasimadda Dalka Eretareeya, waxaana soo dhaweeyay Madaxweyne isaias Afwerki iyo mas’uuliyiin kale.
Kulamo ayay labada dhinac wada yeesheen iyaga oo kawada hadlay xaaladda ka jirta labada Dal, Culayska siyaasadeed iyo midka amni ee saamaynta taban ku reebay Dowladda Suudaan si Eretareeya ay doorkeeda uga qaadato xal u helista culayskaas.
Wasaaradda Warfaafinta Eretareeya oo war kooban kasoo saartay Safarka Madaxa Golaha Madaxabannaan ee Suudaan iyo kulamada uu la qaatay Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa sheegtay in kulamada ay yihiin kuwo lagu xoojinayo iskaashiga labada Dal.
Eretareeya iyo Suudaan waxa ay wadaagaan xuduud dherarkeedu gaarayso 600 oo Kiilo-Mitir, Xukuumadaha Asmara iyo Khartoum ayaa horay ugu ballamay in ay xoojiyaan iskaashiga ka dhaxeeya ee dhinaca amniga taabanaya.
Mustaqbal
