Liibiya oo doonaysa in ay kordhiso shidaalka maalinlaha ah ay soosaarto

Dowladda Liibiya ayaa ku dhawaaqday in ay kordhinayso shidaalka ay sida maalinlaha ah usoo saarto oo haatan lagu qiyaasayo 1.5 Milyan oo fuusto isla markaana ay gaarsiin doonto 2 Milyan oo fuusto sida ay hadalka u dhigtay.

Liibiya ma sheegin sida ay uga gudbi karto caqabadaha uga imaanaya dhinaca xubnaha mucaaradka ah oo dhowr jeer beegsaday xarumaha Shidaalka iyaga oo adeegsaday Diyaaradaha duulliye la’aanta ee Drones-ta loo yaqaan.

Waxaa sii kordhaya shirkadaha ay heshiiska la galayso Dowladda Liibiya, sidoo kale waxaa la dhaqaajiyay heshiisyadii horay u dhacay sannadkii 2025 sida ay ku warrameen mas’uuliyiin katirsan Xukuumadda Tripoli.

Liibiya ayaa gacanta ku haysa ruqsado cusub oo ay siinayso shirkadaha ka shaqeeya Arrimaha Shidaalka inkasta oo ay jiraan caqabado dhinaca Amniga ah taasi oo keeni karta in dib loo dhigo rajada kordhinta soosaarka shidaalkaas.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Ciidanka Danab oo howlglallo ka dhan ah AS kawada Shabeelaha Hoose

Read Next

Maraykanka oo 46 sano kaddib Suuriya ka saaray Liiska Dalalka taageera Argagixisada