Hoggaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe oo dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ayaa billaabay kulamo looga hadlayo Amniga Magaaladaas isaga oo la leh Saraakiisha Ciidanka Federaalka iyo kuwa Maamulkaas.
Maamulka Aadan Madoobe ayaa dhowaan sheegay in uu bixinayo jawaab kahortag ah oo lagu beegsanayo ciidamada ka amar-qaata Maamulkii ka horreeyay ee Cabdicasiis Laftagareen iyo ‘AS’ oo halis ku ah nabadgalyada Magaalada Baydhabo sida hadalka loo dhigay.
Aadan Madoobe oo Maamulkiisa dareemaya culayska ku wajahan Magaalada Baydhabo ayaa lagu wadaa in kulankaas kaddib uu soosaaro qodobo lagu xoojinayo nabadgalyada isla markaana looga hortagayo falalka amni darro ee Magaaladaas kusoo korodhay.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
