Markab ay isku hayaan Mareykanka iyo Iraan ayaa lagu afduubtay Xeebaha Soomaaliya
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta shir-guddoomiyey kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Qaran ee Maareynta Khataraha Masiibooyinka, kaas oo looga hadlay u diyaar-garowga xaaladaha bini’aadanimo ee dalka ka jira.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray falanqaynta warbixinno ku saabsan xaaladda abaaraha ee ka jira qaybo ka mid ah dalka iyo digniino ku saabsan fatahaado culus oo la filayo inay ka dhashaan roobabka xilli-ciyaareedka Dayrta oo dhowaan la filayo inay ka curtaan gobollada dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xubnaha Guddiga ku adkeeyey inay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo looga hortagayo khasaaraha ka dhalan kara musiibooyinka dabiiciga ah. Waxa uu si gaar ah faray in la kordhiyo wacyigelinta dadka ku dhow wabiyada iyo dhulka biyo-mareenka ah, si looga badbaadiyo naftooda iyo hantidooda fatahaadaha soo fool leh.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay baaq u dirtay Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Deeq-bixiyeyaasha Caalamiga ah, iyadoo ka codsatay inay qayb ka qaataan dadaallada gurmadka ah ee looga jawaabayo saameynta isbiirsaday ee abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqday.
Mustaqbal
