Xaasaska AS oo billaabay in ay ka barakacaan Magaalada Baydhabo

Taliska Booliiska Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in qoysaska ka barakacaya Magaaladaas ay yihiin Xaasaska AS sida uu Warbaahinta u sheegay Taliyaha Saldhigga Booliiska Baydhabo, Cali Taagey.

Waxa uu dadka ugu baaqay in ay is dejiyaan oo aanay jirin cabsi Amni oo keeni karta heer ay isaga tagaan guryahooda, weerar Afka ah ayuu ku qaaday Dad uu ku sheegay in ay katirsan yihiin AS oo dadka barakicinaya.

Cali Taagey ayaa qoysaska barakacaya ku sheegay in ay yihiin Xaasaska AS isaga oo intaas sii raaciyay in ay qaadi doonnaan tallaabooyin lagu xoojinayo nabadgalyada Magaalada Baydhabo iyo kuwo ka dhan ah Dadka la shaqeeya AS

“Dadka Baydhabo ka qaxaya awalba qax ayay ku yimaadeen Magaalada ee hanaga baxaan, waa Xaasaska New AS, Shacabka waxaan ugu baaqaynaa in ay joogaan guryahooda” Sidaasi waxaa yiri Taliyaha Saldhiga Booliska Baydhabo, Cali Taagey

Ciidamada ayuu ugu baaqay in ay xoojiyaan nabadgalyada Magaalada Baydhabo si meesha looga saaro cabsida ay muujinayaan qoysaska Barakacaya, waxa uu ku goodiyay in lala xisaabtami doonno saraakiisha iyo ciidamada ammaanka.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Aadan Madoobe oo kulamo la xiriira Amniga Baydhabo la leh saraakiisha Federaalka & kuwa Koofur Galbeed

Read Next

Abiy Ahmed oo Itoobiya ka noqonaya Madaxweyne Awood buuxda leh