Dowladda Soomaaliya oo caddaysay mowqifkeeda Qadiyadda Qubrus

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay Ixtiraam buuxda u hayso Madaxbannaanida Qubrus iyada oo meesha ka saartay qoraalkii kasoo baxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu ahaa mid aqoonsi gaar ah loogu samaynayo cid ama maamul gaar ah.

Warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay ixtiraamayso nidaamka caalamiga ah ee Axdiga Qaramada Midoobay sidaas awgeed aanay jiri Karin faragelin ay ku samaysayo madaxbannaanida dal kale.

Qoraal shaqsi ah ayay ku sheegtay qoraalkii Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac uu ku faafiyay arrintaan doodda iyo falcelinta xooggan dhalisay, waxa ay Dowladda Soomaaliya ay xustay in aanay qoraalkaas ka tarjumayn.

Halkaan ka aqriso warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya:

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Horyaalka Ingiriiska EPL oo caawa lagu furayo, Arsenal vs Coventry City oo 25 sano kaddib kulmaya!

Read Next

Dowladda Ingiriiska oo kordhinaysa Kaalmada ay siiso Dalal ay kamid tahay Soomaaliya