Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?
Daafaca kooxda Barcelona iyo xulka Spain ee Jordi Alba ayaa si cad ugu hadlay qilaafka adage e u dhaxeeyo isaga iyo Tababarihiisa Enrique.
Luis Enrique ayaa ka reebay Jordi Alba liiska xidigihiisa labadii kulan lasoo dhaafay ay la ciyaareen xulalka Croatia iyo Bosnia.
Laakiin Jordi Alba ayaa haatan dib ugu soo laabtay liiska xidigaha xulka qaranka Spain waxaa wax laga weydiiyay waxyaabo badan, waxyaabihii uu ka hadlayna waxaa ka mid ahaa qilaaf la sheegay in uu u dhaxeeyo isaga iyo Tababarihiisa wuxuuna yiri”
“Waa run inaan u mahad celiyo qof walba ee ii muujiyay jacayl, iyo sidoo kale ixtiraam, waxaan dareemayaa in xilli ciyaareed fiican aan qaadanayo”.
“Waxaan halkan u imid inaan caawiyo xulkeyga, Ramos waa saaxiib fiican, inkastoo aan si toos ah u dagaalano, hadana xili kasta xiriirkeena aad ayuu u fiicnaa, waa shaqsi wanaagsan”.
“Luis Enrique wax badan ayuu iga caawiyay, ma aanan ka helin daqiiqado badan la shaqeyntiisa, hadana ma dhahayo erey xun, waxaan u maleenayaa inuu yahay qof aad u fiican, wuxuu gaaray go’aan”.
“Wax badan ayuu iga caawiyay aad ayaan ugu faraxsanahay, sidoo kale waan ku faraxsanahay inaan markale dib ugu soo laabto liiska xulka qaranka Spian, ma jiraan waxaan ka qoomameynayo, waxaan muujiyay rabitaankeyga ah inaan ciyaaro” ayuu hadalkiisa kusoo koobay Alba.
