Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo arrintaan ay qayb ka tahay mashaariicda dib u dayactirka dhuumaha biyaha qaada si loo xakameeyo xareedda Roobka ee waddooyinka qaar u xirmaan.

Biyo mareenka laga hirgelinayo Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa la sheegay in uu dhirirkiisu dhan yahay 500 oo Mitir, waxaana la shaaciyay in arrintaan ay qayb weyn ka qaadan doonto nadaafadda Caasimadda.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka digay in lagu dhaqaaqo wax weliba oo caqabad ku noqon kara biyo xireenkaas, waxaana uu ku hanjabay in qofkii lagu qabto ama lagu ogaado arrintaas laga qaadi doonno tallaabo sharci ah.

Xiliyada roobka waa marka ay xirmaan waddooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho, sababtu waa in aanay jirin tubooyinka biyaha ka dhuuqa, meelaha qaar waxaa laga howlgeliyaa Booyado looga qaado waana culays dhaliya xakinta isu socodka Gaadiidka inta aan howshaas lagu dhaqaaqin ama la wado.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo