Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka ahaa ugu gudbay Magaalo Jasiiradeedka Ceuta kuwaas oo qiyaastii lagu sheegay in ay u dhaxeeyeen 50,000 ilaa 60,000 oo ruux.

Spain ayaa sheegtay in dadkaas dib ugu laabtay Dalka Morocco ay iska kaashadaan Dowladdaas laguna guullaystay in dib loo celiyo dad gaaraya ilaa 48,000 oo isugu jira kuwo la qaaday iyo shaqsiyaad iyagu dib u laabtay.

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sanchez ayaa ciidamadiisa amray in ay adkeeyaan amniga xadka inkasta oo lama filana ku noqotay qulqulka Dadkaas oo markii ay xakamayn waayeen la arkayay iyaga oo dhex taagan dadkaas socda.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Spain ayaa bayaan ay soosaartay waxa ay ku sheegtay in dadka ku dhintay tahriibkaas badda ay gaarayaan 57 qof oo dhammaantood ku haftay biyaha ay ka gudbayeen, waxaana suuragal ah in tiradu intaas ay ka badato.

Dowladda Spain ayaa arrintaan ku tilmaamtay Arrimo siyaasadeed oo lagu doonayo in lagu dhibaateeyo Dalkeeda, waxa ay xustay in aanay indhaha ka daawan doonin oo ay qaadi doonto tallaabo lagu adkaynayo xuduudaha Dalkaasi.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

RW Lubnaan “Xasiloonida Lubnaan waxa ay ku xiran tahay in ciidankeeda ay si buuxda u tagaan Xuduudaha oo dhan”

Read Next

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya