Taliyaha AFRICOM “Waxaa naga go’an sii wadista howlgallada Amni ee lagu taageerayo Soomaaliya”

Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada ka dhan ah ‘AS’ ee ka socda Soomaaliya, waxa uu ballanqaaday in uu sii xoojinayo la shaqaynta Ciidamada Soomaaliyeed ee howlgalkaas wada.

Waxa uu carrabka ku dhuftay in aanay marna go’i doonin howlgallada duqaymaha ah ee lagu taageerayo Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya si ay uga adkaadaan ‘AS’ sida uu hadalka u dhigay.

“Waa tallaabooyin bogaadin mudan howlgallada ka dhan ah ‘AS’ ee Ciidamada Soomaaliya wadaan, dabcan garab istaaggeenna doorkaas marnaba ma joogsan doonno, waxa aan fulinay weerarro bartilmaameedyo kala duwan oo lagu taageeray ciidanka howlgallaya” Sidaasi waxaa yiri Taliyaha Howlgalka AFRICOM, Janaraal Dagvin Anderson

Maraykanka ayaa Soomaaliya ka gacansiiya Tababarka iyo qalabaynta Ciidanka Kumaandooska Danab, sidoo kale dhowr jeer waxa uu la fuliyay howlgallo ka dhan ah ‘AS’ iyo Daacish oo ka kala dhacay Gobollada Dalka.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Read Next

Maamulka Puntland oo maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu Dowlad-Goboleed noqday