Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka
Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in uu ka dhoofo Fannaanka Maxamed BK, oo ku wajahnaa magaalada Garoowe halkaas oo la qorsheenayay in uu ku qabto bandhig faneed lagu xusayo sannad guurada 28 ee maamulka Puntland.
Fannaanka Maxamed BK oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in uu dhib kala kulmay sidii uu uga dhoofi lagaa magalaada Hargeysa, iyada oo maanta la qorsheeyay in uu gaaro magaalada Garoowe.
“Waan ka baaqaday safarkaygi manta ee ku aadana maamulka Puntland waan jecla inan idinla dabaldego laakiin way ii suroobi wayday dhib badana wan kala kul may wixii igu dhacayna dib baan kaso sheegaya,” sida u uku yiri qoraalka uu ku daabacay bartiisa Facebook.
BK ayaa qoraalkiisa ku sii yiri “bulshada waynta Putland iyo madaxdeedaba aad ban usalaamaya wanan idin jeclahay guulaysta.” isaga oo soo raacsiiyay sawir uu ku galay Garoonka diyaaradaha ee Cigaal.
Weli kama aysan hadlin dhacdadaan maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya iyo maamul gobaleedka Puntland oo casuumaad u fidiyay fannaanka.
Mustaqbal
