Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda
Gooldhaliyaha qabiirka ah ee Zlatan Ibrahimovic ayaa loo magacaabay inuu yahay xidiga ugu fiican horyaalka MLS-ka.
Xiddigii hore ee Kooxaha Juventus labo Milan Barcelona PSG iyo United-ka Ayaa ku riyaaqay xilli ciyaareed cajiib ah isaga oo dhaliyay 22 gool sidoo kale caawiye ka noqday 10 gool oo kale 27 kulan oo uu saftay.
Inkasta oo uu saamayntaas lahaa hadana Kooxdiisa Galaxy ayaa ku fashilantay in ay gaarto kala baxa horyaalka MLS kadib markii ay ku dhamaystay kaalinta 7-aad.
Abaalmarinta oo la siiyo xiddiga leh khibrad ciyaareed oo kubada cagta ah laakiin sanadkiisii ugu horeeyay ka ciyaaraya MLS ayay codeeyaan xiddigaha,kooxaha iyo saxaafada.
Ibrahimovic ayaa ayaa helay cod dhan cel-celis ahaan 36.36% isaga oo ka horeeya xiddigii hore Man United Wayne Rooney oo helay cod dhan 32.25% halka xiddiga Los Angeles Carlos Vela helay 13.47%.
