Al-shabab oo xukun dil ah ka fulisay Gobolka Hiiraan

Xarakada Al-shabab ayaa sheegtay in Fagaare ku yaalla degaanka Show ee Gobilka Hiiraan ay  ka fulisay Xukun dil ah kaddib markii Nin lagu soo eedeeyay in uu faraxumeeyay wiil yar dacwad laga soo gudbiyay.

Ninka la toogtay oo lagu magacaabayay C/Qaadir Doolaal Caley ayaa da’diisa lagu sheegay 15 jir,waxaana uu fara xumeynta kula kacay wiil da’diisa lagu sheegay 6 jir.

Aabbaha dhalay wiilka yar ayey sheegeen Al-shabab in uu dacwad ka gudbiyay wiilka la dilay,waxaana Al-shabab ay intaas ku dareen in C/Qaadir uu qirtay dambiga lagu soo oogay.

Al-shahab ayaa intaas ku dartay in dilka ka hor C/Qaadir la weydiiyay caafimaadkiisa islamarkaana qirtay sida ay sheegeen in uu caafimaad ahaan wanaagsanyahay.

Mustaqbal media

Read Previous

Axmed Mayre: “shacab dagaalsan ma jiro ee Siyaasiyiinta ayaa dagaashan”

Read Next

Odayaasha iyo Maamulka Balanbal oo dhexdhexaadin ka dhex billaabay beelo dagaallamay