Safiir Cismaan Dubbad oo sheegay in uu ka shaqayn doonno xoojinta Iskaashiga Jabuuti & Soomaaliya

Danjiraha cusub Jamhuuriyadda Jabuuti, Cismaan Dubbad Sugulle oo ka hadlay Munaasabad lagu soo dhaweynayay oo ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin kala duwan ayaa sheegay in uu ka shaqaynayo xoojinta Iskaashiga labada Dal.

Cismaan Dubbad ayaa tilmaamay in Safaaradda iyo Ciidanka qaybta ka ah AUSSOM ay ka go’an tahay sidii loo garab istaagi lahaa Soomaaliya sida uu kula soo dardaarmay Madaxweynaha soo dirsaday ee Ismaaciil Cumar Geelle sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu tilmaamay in uu xog ogaal u yahay Soomaaliya wixii ay soo martay iyo meesha ay maanta joogto maadaama uu hoggaaminayay ciidankii ugu horreeyay ee Jamhuuriyadda Jabuuti kusoo biirisay kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika.

“Safaarad ahaan & Ciidan ahaan waxa uu dardaarankeynu daaran yahay waa Hiil Walaal, reer Jabuuti waxa ay rabaan in ay arkaan ummadda Soomaaliyeed oo soo afjartay aafada colaadeed oo heshiisay kana guulaysatay cadawgeeda” ayuu yiri Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya, Cismaan Dubbad Sugulle.

Ugu dambayn waxa uu codsaday in lagu gacansiiyo shaqada mas’uuliyadda culus leh ee ka saaran xoojinta Iskaashiga Soomaaliya iyo Jabuuti, waxaana uu rajeeyay in uu xoogga saari doonno sidii looga gudbi lahaa caqabadaha siyaasadeed ee xalka u baahan.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Hay’adaha ammaanka Liibiya oo kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Tahriibayaasha

Read Next

Dibadbaxyo rabshado wata oo ka socda Magaalada Belgrade ee Caasimadda Serbia