Diyaarad Maraykanka leeyahay oo ku burburtay Kuwait

Diyaarad dagaal oo nooceedu yahay F-15 ayaa ku burburtay Dalka Kuwait gaar ahaan meel u dhow Magaalada Caasimadda u ah Dalkaas ee Kuwait City, waxaa la shaaciyay in ay la socdeen labo duulliye oo adeegsaday Baalshuudka badbaada ah ee markaan oo kale la adeegsado.

Qiiq ayaa la arkay waxaana kaddib marqura hawada ka muuqatay diyaarad dagaal oo iska daba-wareegaysa iyada oo ugu danbayn dhulka kusoo dhacday, waxaa la adkeeyay ammaanka goobtaas si aanay waxyeello kasoo gaarin dadka maadaama ay qarax kale samayn karto.

Magaalada Al Jahra ee Dalka Kuwait oo Caasimadda u jirta 32 Kiilo-mitir jihada Galbeed, waxaana loo badinayaa in uu haleelay mid kamid ah Gantaallada Iiraan ay ku tuurayso Dalkaan Carbeed inkasta oo aanay jirin faahfaahin dhammaystiran oo kasoo baxday Maraykanka.

Muuqaal la faafiyay waxaa ka muuqday Nin xiran qalabka neefta siiya iyo dharka duulliyeyaasha Maraykanka oo dhex saaran gaari nooca raaxada ah oo ay dul taagan yihiin Dad aysan is fahmi Karin luuqad ahaan balse ingiriis aan badnayn wax ku weydiinaya.

Teleefishinka Aljazeera ayaa xaqiijiyay muuqaalka diyaaradda dhacday maadaama uu leeyahay hab culus oo lagu gaaro xaqiiqada si loo kala saaro muuqaallada aaladda Garaadka macmalka ah iyo kan xaqiiqada ah balse kan duuliyaha waxa uu xusay in uu baarayo weli.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Deni oo sheegay in dacwad maxkamadeed ay ka furayaan Diyaaraddii dib looga celiyay Garoowe

Read Next

Guddoonka Golaha Shacabka oo hor istaagay in ay Muqdisho ka dhoofaan Xildhibaanno u socday Garoowe