Wasiir Roobow oo farriin u diray Imaamyada Masaajida dalka

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay wargelin ku wajahan dhammaan imaamyada iyo khadiibyadda masaajidda dalka, taas oo ku saabsan khudbada Jimcaha ee berrito oo ku beegan 02/01/2026.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in khudbada Jimcaha si gaar ah diiradda loo saaro ahmiyadda midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, iyo sidoo kale khataraha ay leedahay kala-qaybsanaanta iyo faragelinta ISRL ee saameynta ku leh amniga, xasilloonida iyo wadajirka bulshada.

Hoos ka akhriso Qoraalka Wasaaradda

May be an illustration of ‎text that says '‎Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Awqaafta & Arr. 1slaamka القيذراليه الفية الصومال رية جمهو اليه مية الإسلا والشؤون الأوقاف وزارة The Federal Republic of Somalia Ministry of Endowments & Islamic Affairs WARGELIN/OGEYSIIS Wasaaradda Arrimaha Islaamka Xukuumadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, waxey ku wargelineysaa islamarkaasna ay faraysaa dhamaan imaamyada iyo khadiibyada Masaajidda Dalka in khudbada Jimcaha ee maalinta berri ah 02/01/2026| 02/01/ looga hadlo Ahmiyadda Midnimada iyo Wadajirka Umadda Soomaaliyeed iyo Khatarta ay leedahay Faragelinta Yuhuudda. Sidaas daraadeed, waxaa la farayaa dhamaan khadiibyada masaajidda Dalka inay howshaas sida ay tahay ay fuliyaan maalinta berri ah. Mahadsanidiin.‎'‎

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Puntland oo si adag uga soo horjeesatay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Read Next

Hadal heyn ka dhalatay tillaabo ay ku dhaqaaqeen dad u dhashay Israa’iil oo tagey Hargeysa