Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dib loo dhigay hirgelinta go’aanka lagu waajibinayay Kaarka Aqoonsiga Qaranka (NIRA) dadka ku safraya gudaha dalka.
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) ayaa horay u ku dhawaaqday in laga bilaabo 1-da Janaayo 2026 dhammaan muwaadiniinta ku safraya gudaha dalka looga baahan yahay Kaarka Aqoonsiga Qaranka.
“Si kastaba ha ahaatee, si loo siiyo shacabka waqti dheeri ah oo ay ku dhammaystiraan isdiiwaangelinta iyo helitaanka kaarka, Hay’addu waxay go’aansatay in dib loo dhigo hirgelinta go’aankaasi” ayaa lagu yiri bayaanka.
Go’aanka cusub ayaa dhigaya in waajibaadka isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee safarka gudaha dalka uu si rasmi ah u dhaqan-galo 1-da Maarso 2026.
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa shacabka ku boorrisay inay ka faa’iideystaan muddadan dheeraadka ah, ayna dedejiyaan isdiiwaangelinta Kaarka Aqoonsiga Qaranka (NIRA), si ay uga fogaadaan caqabado ka dhalan kara marka uu dhaqangalo go’aanka cusub.
Mustaqbal
