Rag hubeysan oo toogasho ka geystay goob ay Yahuuda ku badan tahay oo ku taalla dalka Australia.

Ugu yaraan 12 qof ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday xeebta Bondi Beach ee magaalada Sydney ee dalka Australia.

Weerarka ayaa sababay dhaawaca in ka badan 29 ruux oo ku sugnaa goob ay inta badan isugu yimaadaan bulshada Yahuuda.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in booliiska toogtay mid kamid ah raggii weerarka soo qaaday, halka mid kalena la hayo isagoo dhaawac ah.

Taliyaha Booliska ee goobta dhibaatada ka dhacday ayaa sheegay in ay hadda xaqiijinayaan Amniga, isla markaasna la helay walxo laga shakisan yahay oo yaallay goobta.

Boolisku ayaa weli wada baaritaan dheeraad ah si loo caddeeyo dhammaan dadka ku luglahaa weerarka iyo khasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha Australia, Anthony Albanese, ayaa dhacdada ku tilmaamay mid naxdin iyo murugo leh, isaga oo sheegay in ciidammada ammaanka iyo gurmadka degdegga ah ay ku sugan yihiin goobta si ay u badbaadiyaan bulshada halkaasi ku sugan.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Beesha Caalamka oo Maamulka Jubbaland kala hadashay shirka lagu qabanayo Kismaayo

Read Next

Dowladda Liibiya oo billaawday howlgallo ay ku masaafurineyso Soomaalida ka tahriibeysa dalkaasi