Midowga Midowga Yurub oo dhaqaale ugu deeqay Soomaaliya

Safiirka Midowga Yurub u fadhisa Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa ku dhawaaqday in ay Soomaaliya ugu deeqayaan in ka badan toddobo milyan oo dollar.

Dhaqaalahan ayay sheegtay Safiirka in wax looga qaban doono xaaladda binu aadanino ee Soomaaliya iyo arrimaha bulshada gaar ahaan sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda aadanaha.

Safiiradda ayaa tilmaantay in maalgelintan ay tahay qeyb ka mid ah dadaallada Midowga Yurub ee lagu xoojinayo xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya, iyada oo si gaar ah diiradda loo saarayo doorka bulshada rayidka ah.

Deeqda Midowga Yurub ayaa imaaneysa xilli Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, uu maalmihii u dambeeyay kulammo kala duwan la yeeshay xubno ka tirsan beesha caalamka, kuwaas oo diiradda lagu saaray sidii gargaar degdeg ah loo gaarsiin lahaa dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira qeybo kamid ah dalka.

Dowladda iyo Beesha caalamka ayaa isku raacay in si wadajir ah la iskaga taageero ka hortagista xaalado binu aadanimo oo ay sababto abaarta.

Mustaqbal

 

MM Staff

Read Previous

Mareykanka oo amray in la baaro baraha bulshada dadka dalbanaya Fiisaha wadankaasi

Read Next

Faahfaahino laga helayo duqeymo laga fuliyay gobolka Jubbada Dhexe