Jubbaland oo heshiis dhex dhigtay Beelo ku dagaalamay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo

Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa heshiis nabadeed dhex-dhigtay Beelo Maleeshiyaadkooda ku dagaalamay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, Odoyaasha labada dhinac ayaa ku heshiiyay in gacan adag lagu qabto cid weliba oo isku dayda in ay dib usoo cusboonaysiiso colaadda.

Madaxweyne ku xigeenka 1aad Dowlad-Goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa Dhaqanka kula dardaarmay in ay indhaha ku hayaan fulinta qodobada lagu heshiiyay si xasiloonnida Degmada Luuq mar kale dhaawac usoo gaarin.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku wargeliyay duubabka dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Degmada Luuq in ay Maamulka Jubbaland ku wargeliyaan wax weliba oo ku cuslooda oo dib usoo celin kara colaadda laga heshiiyay si looga hortago.

Guddoomiyaha Degmada Doolow, Xildhibaanno, Mas’uuliyiin xilal kala duwan kasoo qabtay Gobolka Gedo iyo Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa dhankooda ku biirayay in ay xoogga saarayaan xaqiijinta nabadgalyada iyo fulinta heshiiska.

Dagaalladii tooska ah ee ka dhacay Degmada Luuq waxaa dheeraa aanooyin iyo goobaha Ganacsiga oo la gubay, waxaa muddo dheer socday dedaallo lagu xalinayo arrintaas si loosoo afjaro colaaddaas oo saamayn taban ku reebtay Dadka Degmadaas.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Donald Trump oo si bareer ah u weeraray siyaasadda Yurub

Read Next

Odoyaal dhaqameed ka socda DDS oo Hargaysa u tagay daminta Xiisadda Awdal