Maxay ku heshiiyeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya & Morocco?

Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa dhiggiisa Morocco waxa ay kala saxiixdeen heshiis labo geesood ah oo dhexmaraya Labadaaan Dal sida Iskaashiga, horumarinta Ilaha muhiimka ah.

War lagu daabacay bogga Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in uu waa cusub u beryay Muqdisho iyo Rabat oo wixii hadda ka dambeeya iska kaashanaya Waxbarashada, Tababarka xirfadaha, Caafimaadka, Ammaanka, Maalgashiga dhaqaalaha, Cayaaraha & dhaqanka.

Soomaaliya iyo Morocco oo bah-wadaag ku ah ururro kala duwan ayaa ku ballamay in heshiiskaan dib u eegis lagu sameeyo labo sanno kaddib si loo qiimeeyo loogana xoojiyo heerka uu haatan uu joogo sida hadalka loo dhigay.

Morocco ayaa kordhisay deeqaha Waxbarasho ee sanadlaha ah ee la siiyo Ardayda Soomaaliyeed, waxaa la gaarsiiyay ilaa 120 si loo daboolo baahida dhinaca waxbarashada gaar ahaan Jaamacadaha sida qoraalka lagu xusay.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Trump oo xoogga saaraya dhaqangelinta go’aamada ka dhanka ah Soomaaliya & Ajaanib kale

Read Next

Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Banaadir oo sheegay in maxkamad lasoo taagayo askari si sharciga baalmarsan ula dhaqmay Dumar