Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Ciidamada Suudaan ayaa billaabay dhaqdhaqaaq ciidan oo ay xoogga ku saarayaan dib u qabsashada guud ahaan Gobolka Daarfuur ee dalkaas si ay uga saaraan kooxda Gurmadka degdega ah ee loosoo gaabiyo RSF ee Isutagga Imaaraatka Carabta Garabka ka heleysa.
Saraakiil katirsan Ciidanka Suudaan ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in dhaqdhaqaaqooda uu xooggiisu saaran tahay sidii ay u gaari lahaayeen magaalooyin muhiim ah oo dib u qabsashadooda muhiimad gaar ah u leh.
Ilo wareedyo ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamada Jamhuuriyadda Suudaan ay kaashanayaan Kooxo hubeysan oo deegaanka ah kana xanaaqay ficilkii arxanka darnaa ee RSF ka sameysay Magaalada Al-faashir ee Gobolka Daarfuur.
Colaadda ka jirta Suudaan ayaa galaafatay nolosha dad kumanaan ruux oo u badan Dad rayid ah kuwaas oo ku dhintay dagaallada tooska ah iyo duqeymaha ay is dhaafsanayaan Ciidamada kawada tirsan Dowladda ee laga janan kala taageersan.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
