Khaliijka Carabta oo hirgelinaya nidaam safar mideysan oo lagu fududeynayo baaritaannada garoomada

Golaha Iskaashiga Khaliijka Carabta oo ka kooban lixda dal ee Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Baxreyn, Qadar, Cumaan iyo Kuwayt  ayaa dhawaan hirgalinaya nidaam safar mideysan oo qof kasta oo dalalkaasi ka soo jeeda u fududeynaysa safarka.

Xoghayaha guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka Carabta, Jasem Al-Budaiwi, ayaa sheegay in nidaamkan cusub marka hore lagu tijaabin doono duullimaadyada u dhexeeya Imaaraadka iyo Baxreyn, ka hor inta aan loo gudbin dalalka kale ee xubnaha ka ah.

Tusaale ahaan, hadda qofka u safraya Imaaraadka ilaa Baxreyn waa inuu laba jeer maro baaritaan mid marka uu ka dhoofayo iyo mid kale marka uu tago. Laakiin nidaamka cusub wuxuu suurtagelinayaa in hal mar oo keliya la hubiyo, natiijadaasna ay labada dal isla aqoonsan doonaan. Taas ayaa ka dhigan in safarku noqdo mid fudud, degdeg ah, oo waqti badbaadinaya.

Ujeeddada nidaamkan waa in socdaalka muwaadiniinta Khaliijka uu noqdo mid la mid ah socdaal gudaha dal gudaheeda ah, halkii uu ahaan lahaa safar caalami ah oo adag.

Waxaa sidoo kale lagu dhawaaqay in shirkii ugu horreeyay ee amniga dalalka Iskaashiga Qaliijka lagu qaban doono Abu Dhabi sanadka 2027.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Caqabadaha ay la kulmaan gabdhaha waddooyinka Muqdisho ku iibiya Looska!

Read Next

Ciidanka Suudaan oo xoogga saaraya dib u qabsashada guud ahaan Gobolka Daarfuur