Dowladda Maldives oo dhallinyarada dalkaasi ka mamnuucday isticmaalka Sigaarka

Dowladda Maldives ayaa shaacisay mamnuucid cusub oo ka dhan ah isticmaalka iyo iibinta tubaakada ee dhalinyarada da’doodu tahay 18 sano iyo ka yar.

Wasaaradda Caafimaadka dalkaasi ayaa war-saxaafadeed ku sheegtay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada dowladda ee lagu doonayo in lagu yareeyo halista caafimaad ee tubaakada iyo in dhalinyarada laga ilaaliyo waxyeellada sigaarka.

Sharcigan cusub ayaa dhigaya in qof kasta oo ku dhashay 1-da Janaayo 2007 ama wixii ka dambeeyay aan loo ogolaan doonin inuu isticmaalo, iibiyo ama iibsado wax kasta oo tubaako ah gudaha dalka.

Wasaaradda Caafimaadka Maldives ayaa sheegtay in go’aankani uu qeyb ka yahay qorshaha qaranka ee lagu xakameynayo cudurrada aan la is qaadin sida kansarka, wadne-xanuunka iyo cudurrada sambabada oo ay sababaan tubaakadu. D

Dowladda ayaa sidoo kale ku wargelisay ganacsatada in ay waajib ku tahay inay hubiyaan da’da dadka iibsada badeecooyinka tubaakada, iyadoo ciqaab lacageed oo adag lagu soo rogi doono cidda jebisa xeerka.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO ayaa soo dhoweysay tallaabadan, iyadoo sheegtay inay tusaale wanaagsan u tahay dalalka kale ee doonaya inay dhisaan bulsho caafimaad qabta oo aan ku tiirsanayn tubaakada.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Wasiir Fiqi oo xaqiijiyay in Diyaarado ka duulay saldhigga Boosaaso ka dageen Suudaan

Read Next

Soomaaliya iyo Ciraaq oo ka wada hadlay amniga iyo dagaalka AS