Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka
Booliiska Tanzania ayaa ku dhawaaqay in Magaalada Dar es Salaam uu ka qaaday Bandowgii xiliyada habeenka ah saarnaa si looga hortago rabshadihii ka dhacay Doorashadii dhowaan ka dhacday Dalkaas ee dadka badan loo xiray.
Reer Dar es Salaam waxaa maalmihii lasoo dhaafay saarnaa bandow waqtiyada habeenkii ah, kaddib markii howlgallada looga hortagayo dibadbaxyada ka dhanka ah dib u doorashada Samia Suluhu iyo rabshada dadka qaar sameeyeen.
Afhayeenka Booliiska ayaa sheegay in Magaalada Dar es Salaam xaaladdeedu ay xasiloon tahay sidaas awgeed wadatashi kaddib la go’aamiyay in la qaado bandowga habeenkii oo culays ku ah Bulshada Magaaladaas.
“Xaaladdu way deggen tahay, waxaana go’aansannay inaan qaadno bandowga si shacabka loogu oggolaado inay ku laabtaan howlahoodii caadiga ahaa”. Sidaasi waxaa yiri Afhayeenka Booliiska oo warbaahinta la hadlay.
Mustaqbal
