Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Kismaayo ku wajahan

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku wajahan Magaalada Kismaayo xarunta Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo wareedyo ku dhow safarkiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa kawada hadlay khilaafkii ka dhex jiray, waxa ay ka gaareen heshiis sida xogaha la helayo sheegayaan.

Si loo dhaqangeliyo heshiiskaas ayuu Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u tagayaa Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose oo dhanka kale xarun kumeel-gaar u ah Dowlad-Goboleedka Jubbaland.

Waraysi uu dhowaan bixiyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo wax looga weydiiyay arrinta Dowlad-Goboleedka Jubbaland waxa uu sheegay in aanay xirmin albaabada wadahadalka isla markaana mar weliba uu tagi karo Kismaayo sidoo kalena Axmed Madoobe Muqdisho imaan karo.

Arrintaan ayaa kusoo beegmaysa iyada oo wadahadal uu shalay dhexmaray Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo isku afgartay dhowr qodob.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka & Nuxurka Khudbadaha la jeediyay

Read Next

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay dagaalka AS