Goddoomiyaha Golaha Shacabka oo Doorasho qof iyo cod ah kala hadlay Safiirka UK

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Shiikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa kulan gaar ah la yeeshay safiirka Dowladda UK u fadhiya Soomaaliya Charles King.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarayaa dhinacyada horumarinta, amniga iyo dhismaha dowladnimada.

Danjiraha ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka uga mahadceliyay guulaha laga gaarey dib u eegista Dastuurka iyo ansixinta shuruucda muhiimka ayaa uga mahadceliyay Dowladda Ingiriiska iyo shacabka reer UK taageerada ay mar walba la garab taagan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa safiirka uga warbixiyay shaqooyinka Golaha Shacabka iyo horumarka ka socda dalka, waxaana uu xusay in Baarlamaanka Soomaaliya kalfadhiga todobaad uu xooga saari doono dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka dalka.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa caddeeyay sida dowladda Soomaaliya uga go’an tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, taas oo shacabka Soomaaliyeed xuquuqdooda dastuuriga dib loogu celinayo si ay madaxdooda si toos ah ugu soo doortaan.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Dekedaha Muqdisho & Berbera oo noqday marsooyinka ugu waxqabadka Wanaagsanaa Bariga Afrika sanadkii 2024

Read Next

Maxaa looga hadlay kulanka Wasiir Fartaag iyo Danjire James Swan?