Duqaymo diyaaradeed oo ka dhacay Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed, Jubbaland & Hir-Shabeelle

Diyaarado nooca duulliye la’aanta ah (Drones) ayaa duqaymo xooggan ka fuliyay deegaanno ka kala tirsan Dowlad-Goboleedayda Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Hir-Shabeelle, waxaa ka dhashay weerarradaas dhimasho iyo dhaawac inkasta oo aan la hayn tiro rasmi ah.

Goobaha duqaymaha ay ka dhaceen waxaa kamid ah Deegaanka Buula-Fulaay, deegaan u dhaxeeya Sariiraha & Bu’aale, Shabeelaha Dhexe iyo deegaanno kale oo hoostaga Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Hir-Shabeelle.

Wararka hordhaca ah ee laga helay Dowladda Federaalka waxa ay sheegayaan in duqaymahaas lagu dilay xubno katirsan ‘AS’ oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib kuwaas oo la sheegay in ay ku sugnaayeen deegaannada duqaymaha ka dhaceen.

Muddooyinkii dambe waxaa sii kordhayay duqaymaha ay fulinayaan Saaxiibada Dowladda Federaalka ka gacansiiya weerarrada cirka oo inta badan ka dhacayay deegaannada ay gacanta ku hayaan AS, waxaana ay dib ka faahfaahiyaan khasaaraha ka dhasha.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Dowladda Burkina Faso oo muddo kooban ku dhistay 5,000 KM oo waddooyin laami ah

Read Next

Qadar oo shuruud adag hordhigtay Israa’iil haddii dib loo billaabayo wadahadalka Xamaas