Ciidamokatirsan Nabadsugidda Dowlad-Goboleedka jubbaland ayaa howlgallo baaritaanno ah ka sameeyayd dhulka howdka ah ee Deegaanka Raaskaambooni Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubada Hoose.
Howlgalkaan waxaa si gaar ah u fuliyay guutada Hanqadh loo yaqaan, waxa ay tageen tuulooyin hoostaga Raaskaambooni halkaas oo ay kusoo arkeen Dawooyin iyo waxyaabo kale oo ay sheegeen in ay ka tageen ‘AS’
Saraakiisha Ciidanka Nabadsugidda Dowlad-Goboleedka Jubbaland hoggaaminaysay ayaa sheegay in howlgalkaan ujeedkiisu ahaa kahortagga weerarrada ay qorsheyneyso ‘AS’ in ay ku beegsato saldhigyadooda iyo goobaha kale ee Raaskaambooni.
Ciidamada Daraawiishta iyo kuwa Nabadsugidda ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa maalmihii lasoo dhaafay sameeyay howlgallo ka dhacay deegaanno kala duwan oo katirsan Gobollada Jubada Hoose iyo Gedo.
Mustaqbal
