Maamulka Puntland oo xaqiijiyay in ay la wareegeen Xeradii Ciidanka PSF ee Boosaaso
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay Muqdisho ugu yeertay Safiirka Soomaaliya ee Kenya si ay wax uga weydiiso tallaabadii uu qaaday ee dhalisay xiisadda afka ah ee Warbaahinta usoo gudubtay.
Sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo kala duwan, Danjiraha Soomaaliya ee Kenya Jibriil Ibraahim Cabdulle waxaa wax laga waydiinayaa wafdigii Ganacsatada ahaa ee u raacay Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo 11kii bishaan, Safiirka waxa uu haatan ku sugan yahay Magaalada Muqdisho.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa labada Safaarad ee Kenya iyo Tanzania gaarsiisay qoraal ay ku muujineyso in la joojiyo hadallada adag wixii xalka ahna dhankeeda laga sugo.
Intaas kaddib, Waxaa loo yeeray Danjiraha Soomaaliya ee Kenya Jibriil Ibraahim Cabdulle oo wax laga weydiinayo tallaabada uu qaaday, jawaabaha dhankiisa ka yimid, sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxa ay su’aalo weydiinaysaa Safaaradda Soomaliya ee Tanzania.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa laga sugayaa go’aanka rasmiga ah ay ka qaadato murankaan labada Safaarad, sida loosoo afjari lahaa sheegashada labada dhinac & sababta keentay in baraha bulshada la isku dhaafsado hadallada kulkulul.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
