Wasiir Fiqi oo la kulmay Safiirka Shiinaha

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan taageerada dowladda Shiinaha ee horumarinta awoodda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay Dowladda Shiinaha garab istaagga dhinacyada kala duwan, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashigan uu u leeyahay xoojinta nabadda iyo amniga Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

Shiinaha ayaa kamid ah dalalka Soomaaliya sida dhow uga taageera dib u dhiska dalka dagaalka AS iyo sidii loo xoojin lahaa amniga.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay qalab ka hortagaya qaraxyada

Read Next

Ciidamada DFS & AS oo ku dagaalamay Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud