Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Golaha Wasiiradda ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay sharci cusub oo go’aaminaya in si adag loo hubiyo tayada Hilibka Xoolaha nuucyadooda kala duwan.
Shirka golaha wasiirada ee maanta ayaa lagu dhageystay faahfaahin kooban la xiriirta sharcigaan cusub oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee XFS.
Bayaan ka soo baxay Golaha wasiirada ayaa lagu yiri “Sharciga Baarista iyo Ilaalinta Hilibka wuxuu nidaamin doonaa fayo-dhawrka, badqabka iyo tayada Hilibka”
Sharcigaan cusub ayaa ku soo aadaya xilli bulshada ku baaqeysay in laga shaqeeyo tayada Xoolaha Soomaaliya gaar ahaan kuwa laga soo dhoofiyo dalalka shisheeye sida Doorada.
Dhinaca kale, Shirka Golaha Wasiirada waxaa sidoo kale si wadajir ah lagu cambaareeyay weerarka ay ISRL ka fulisay gudaha Dooxa ee dalka Qadar, kaasi oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Golaha ayaa caddeeyay in ay si buuxda u garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Qadar, iyago gargaro ku tilmaamay weerarka ISRL.
Mustaqbal
