Duqa Muqdisho oo xilka ka qaaday Guddoomiyahii degmada Kaaraan

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta wareegto uu soo saaray ku magacaabay Maxamuud Cabdullaahi Cumar guddoomiyaha cusub ee degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Magacaabistan ayaa timid kadib markii xilkii guddoomiyenimo ee degmada Kaaraan laga qaaday Faarax Cadaani Maxamed, kaas oo xilkan hayay muddo.

Duqa Muqdisho ayaa guddoomiyaha cusub u rajeeyay in xilka allaha u fududeeyo, halka uu u mahadceliyay guddoomiyihii xilka laga qaaday.

Labada mas’uul ayaa la filayaa in dhawaan xilalka ay la kala wareegaan, waxaana maalmihii la soo dhaafay Guddoomiye Mungaab isbadal ku sameeyay Maamulka degmooyinka gobolka Banaaadir.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Ra’iisul wasaare Xamse oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub

Read Next

Turkiga oo Soomaaliya ka taageeraya Aqoonsiga Baasaboorka