Taliyaha cusub AFRICOM & Madaxda DFS oo kawada hadlaya howlgallada ka dhanka ah AS

Janaraal Dagvin Anderson oo ah Taliyaha cusub ee Howlgalka Maraykanka Qaaradda Afrika ee (AFRICOM) ayaa maanta lagu wadaa in uu la kulmo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud & Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Odowaa Yuusuf Raage, waxa ay kawada hadlayaan dardargelinta howlgallada ka dhanka ah AS.

Taliye Anderson oo shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa kulamo hordhac ah la qaatay Saraakiisha Maraykanka ee Soomaaliya jooga, kuwa Midowga Afrika ee AUSSOM iyo diblumaasiyiin kale, barasho kaddib waxa uu kala hadlay sidii loo dardargelin howlgallada lagu beegsanayo ‘AS’ sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow kulamadaas.

May be an image of 5 people and text

Dagvin Anderson oo waaya arag u ah howlgallada AFRICOM ayaa kaalin wayn ka qaatay howlgalkii lagu badbaadiyay ciidanka Maraykanka ee saldhigga ku lahaa Xerada Manda bay ee Dalka Kenya kaddib markii weerar toos ah ay ku qaadeen ‘AS’ sida lagu muujiyay warbixin dhowaan laga soosaaray waxqabadkiisa.

Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in uu xoogga saarayo howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ si looga hortago halista ku horgudban Danaha Maraykanka iyo saaxiibada uu gobolka ku leeyahay, waxaa isbaddel lagu sameeyay hoggaanka cusub ee Taliska AFRICOM si loo dardargeliyo sida hadalka loo dhigay.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Wasiir Cali Xoosh “Waxa aan Shacabka dhammaan ugu baaqayaa in ay si buuxda uga qayb qaataan diiwaangelinta codbixiyaha”

Read Next

Trump oo billaabay in uu gacmihiisa mariyo dawooyin si uu u qariyo dhaawacyo ka dhashay xannuun ku dhacay!