Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Koofur Galbeed iyo Safiirka Itoobiya?

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Muqdisho kulan gaar kula yeeshay Safiirka Cusub ee Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Suleiman Dedefo.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray Xaaladda dowlad goboleedka Koofur Galbeed, gaar ahaan arrimaha amniga iyo dagaalka ka dhanka ah AS.

Safiirka Itoobiya ayaa sheegay in ay Koofur Galbeed ka taageerayaan dagaalka AS, si xubnahaasi looga saaro deegaannada ay kaga sugan yihiin Maamulkaasi.

Madaxweyne Laftagareen ayaa ka mahadceliyay dadaalka Ciidanka Itoobiya ee ku sugan deegaannada Maamulkaasi, kuwaasi oo qeyb ka ah dagaalka AS.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku howlgala magaca Howlgalka AUSSOM ayaa qeyb ka ah dhaqdhaqaaqyada ka dhanka ah AS ee ka socda deegaannada Maamulaka Koofur Galbeed.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Dowladaha Masar iyo Jabuuti oo ku dhawaaqay iskaashi iyo dhismaha Dekadda Dooraaleh

Read Next

DFS oo shaacisay in Gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn u aqoonsan tahay DG Waqooyi Bari.