Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday in si rasmi ah loo soo gebogabeeyay dhismaha Dowlad Goboleedka cusub ee Waqooyi-Bari Soomaaliya, taas oo noqotay xubintii ugu dambeysay ee ku soo biirta Dowlad Goboleedyada Federaalka Soomaaliya.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Maamulka Waqooyi Bari ka kooban yahay gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.
“Dhismaha maamulkan cusub ayaa ku yimid dadaallo laba sano socday oo ay hoggaaminayeen bulshada dega gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, kuwaas oo markii hore ku meel gaar u sameystay maamulka SSC-Khaatumo bishii Agoosto 2023. Mudadaas waxaa la qabtay wadatashiyo ballaaran, qoro-dastuur iyo shirar lagu dhisayay kalsooni, taas oo gogol xaar u noqotay maanta la gaaro dowlad rasmi ah” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS.
Hoos ka akhri war-saxaafadeed ku qoran Luuqada Ingiriiska


Mustaqbal
