RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii todobaadlaha ahaa, ayaa ka hadlay sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaartu saameysay ee gobolka Awdal, gaar ahaan degmooyinka Saylac, lughaya iyo tuulooyinka hoos yimaada.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Hay’adda Sodma ayaa warbixin ku saabsan abaarta iyo heerarka ay gaarsiisan tahay iyaga oo soo bandhigay wax yeellada abaarta ay gaarsiisey dadka, xoolaha iyo wax-soo saarka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo guddoomiyey kulanka golaha, ayaa faray hey’adaha Xukuumadda ee ku shaqada leh in ay u istaagaan wax-ka qabashada xaaladda abaarta ka jirta deegaannadaasi iyo sidii gurmad deg deg ah loo gaarsiin lahaa bulshda, iyada oo goluhu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed iyo hey’adaha caalamiga ah in ay qeyb ka noqdaan gurmadka loo fidinayo dadka ay abaartu saamaynta ku yeelatay.
Dhanka kale, Golaha Wasiirrada, ayaa ansixiyey heshiis is afgarad ah oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada XFS, kaas oo u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, kuna saabsan iskaashiga shaqada, shaqo-siinta iyo horumarinta awoodaha shaqaalaha.
Mustaqbal
