15 Qof oo ku dhintay shil Gaari oo ka dhacay Waddada isku xirta Nairobi iyo Mandheera

Ugu yaraan 15 qof ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen halka tiro kale ay dhaawacmeen markii labo gaari ay isku dhaceen, waddo isku xirta Nairobi iyo Mandheera.

Labo ka mid ah Gaadiidka adeegsada Waddada oo kala ah mid Xamuul ah iyo mid waday dad Rakaab ahaa ayaa iskula dhacay degaanka Matuu,waxaana la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 15 qof.

Qaar ka mid ah Warbaahinta Kenya ayaa xaqiijiyay dhimashada 13 qof oo ay 10 Ragyihiin, Labo Haween ah iyo qof da’yar.

Taliyaha Booliska Degaankaas Joseph Karanja, ayaa sheegay in Gaariga Xamuulka ah uu ku dhacay Baska oo seedkiisa haysta.

Dadka ku dhaawacmay shilkaas ayuu sheegay in loo qaaday Isbitaalka degaanka Matuu,waxaa uu shilkan ku soo aaday iyada oo 24 saac ka hor saddex qof ay ku dhinteen shil gaari oo ka dhacay waddada isku xirta Mombasa iyo Nairobi.

Ciidamada amaanka iyo Mas’uuliyiinta degaanka ayaa meydadka dadka ku dhintay shilkaasi ka qaaday goobta.

 

Web master

Read Previous

Iskudaygii Itoobiya ee dib u dhigista Waqtiga Xorriyadda & Madaxbannaanida Soomaaliya.

Read Next

Qeyb ka mid ah Booliska AMISOM oo ka baxay dalka,Sawirro