Iskudaygii Itoobiya ee dib u dhigista Waqtiga Xorriyadda & Madaxbannaanida Soomaaliya.

Guddiga Diyaarinta Qabyoqoraalka heshiiska Maxmiyadda Talyaaniga ee Soomaaliyeed

Guddiga diyaarinayey heshiiskaasi waxa uu ka koobnaa waddamada Faransiiska, Ciraaq, Filibiin, Mareykanka iyo Ingiriiska, Kolombiya & Masar
Waxa jiray dowlado lagu casuumay in ay xubno aan cod lahayn ka noqdaan guddiga la talinta Soomaaliya, waxa kamid ahaa Itoobiya, oo la sii ogaa in dano siyaasadeed ay kala dhexeyn karaan Maxmiyadda Talyaaniga ee Soomaalida Koofureed.

Xog-hayihii QM ee Tregve Lie; ayaa aqbalay codsi ka yimid Xisbiyada Siyaasadda ee xornimo doonka ee Soomaalida, Bishii October, 1950, kaas oo ahaa in ay leeyihiin xaqa ka qaybgalka doodda Qabyoqoraalka heshiiska Maxmiyadaha Italian Somaliland.

Qiyaastii sanad ka hor Xilliga uu Trygve Lie aqbalay Codsiga xisbiyada Siyaasadda ee British Somaliland & Italian Somaliland, Bishii December-1949 Kii ayaa Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Itoobiya #Abte-Wold #Aklilou waxa uu cabasho u gudbiyey xog-hayihii QM #Trygve #Lie: cabashadaas waxa ku qornaaa “Waxa aan kula socodsiineynaa in aad qaaddo dhammaan tallaabooyinka Suurtagalka ah, Waxa aan hubnaa in Diyaarinta Qabyoqoraalka heshiiska Maxmiyaddii hore ee Talyaaniga ee Soomaaliya aan la diyaarin karin iyada oo aanay Itoobiya ka qaybgelin islamrkaana aanay heshiiska la socon, Itoobiya waa diidday ka qaybgalka howsha diyaarinta guddiga Wisaayada, mar haddii aanay lahayn xaqa codeynta, Tani waa Cabasho si toos ah uga timid Qaranka Itoobiya.

Qoraalka ka aqri Buugga Somalia the Untold history 1941-1969, Maxamed Turunji, Bogga 159-161

Siyaasiyiintu wixii ay rabaan ha sheegaan, Itoobiya illaa aan si rasmi ah u heshiino sida heshiiska dhexmaray iyada iyo Errateriya siyaasigii ku yiraada walaalo ayaan nahay u sheeg in maskaxdiisu u baahan tahay dux ama Protein ayna tahay in madaxa Ukun, Beed ama Naallo looga jebiyo.

Colaadda Itoobiya kala dhexeysa dadka iyo dalka Soomaaliyeed ma aha colaad xudduud oo caadi ahaan ka dhacda laba dal oo deris ah, colaaddani waa mid jiritaan.

WQ: Garyaqaan: Axmed Ciise Guutale

MM Editor

Read Previous

Widam Food Company Chairman receives Somali envoy

Read Next

15 Qof oo ku dhintay shil Gaari oo ka dhacay Waddada isku xirta Nairobi iyo Mandheera