Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda
Ugu yaraan 10 Qof ayaa ku geeriyootay kaddib markii 24kii saac ee la soo dhaafay Ciidamo ka tirsan Al-shabaab iyo kuwa la baxay Macaawisley ay ku dagaallameen degaanka Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha dhexe.
Cali Maxamed oo ah sarkaal ka tirsan Ciidanka dowladda oo Kooxda Macaawisleyda ah u gurmaday ayaa sheegay in dagaalka ay ku dhinteen 8 ka mid ah AL-shabaab iyo 2 ka mid ah Kooxda Macaawisleyda.
Dhunaca Kooxda la baxday Macaawisleyda ee dagaalka kula jira AL-shaabab ayaa la xaqiijiyay in ay ka dhinteen abaanduulihii iyo ku xigeenkiisii,kuwaas oo dhawaan Muuqaal uu TV-ga dowladda ka baahiyay ku sheegay in ay hubka u qaateen in ay iska dhiciyaan Al-shabaab.
Weerarka ayaa markii hore waxaa qaaday Ciidamada degaanka,waxaana Cali,uu sheegay in Al-shabab laga dilay afar qof,kaddibna ay weerar rogaal celis ah ku dileen labada Nin ee ugu sarreysay Macaawisleyda iyagana ay ka geeriyoodeen afar kale.
