Xulka Ingiriiska oo garaacay dhigooda Sweden una gudbay afar dhamaadka koobka Aduunka.

Xulka qaranka Ingriska ayaa shalay galab garacay xulka Sweden oo ka mid ah xulalka soo gaaray wareega sideeda ee koobka Aduunka.

Ciyaarta ayaa aheyd mid si weyn loo wada sugayey isla markaana Xulalka  Sweden & England ayku balansnayeen, iyadoo Xulkasta uu Sameynayey Hadalo isugu jiray Niyad dhis ah & Dhiirgalin Kooxda & Taageerayaashaba ku saleysan.

Ciyaarta ayaa bilaabatay iyadoo dunida kubadda cagta ay indha ku heyso shaashadaha Baahiyaha Ciyaaraha & Taageerayaasha kusugnaa gudaha Garoonka Samaara Arena.

Xulka Ingiriiska ayaa Bilaabay weeraro Xoogan isagoo adeegsanaya xidigihiisa orodka badan kuwaas oo jarayey Masaafada dheer ee Garoonka , Halka Xulka Sweden ay iyaguna ay isku dayayeen iney meel mariyaan hadafkii ay usoo galeen garoonka taasoo abuuray kubado dhowr ah balse aysan usuura gelin iney mira dhaliyaan.

daqiiqadii 30 aad Xulka Ingiriiska aya Furay goolkii ugu Horeeyey ee Ciyaarta kadib markii uu udhaliyey Difaacooda Harry Maguire, Waxaana goolkaasi uu siweyn udhisay Niyadda Xulka sadexda libaax & taageerayaashiisa.

Inkastoo Xulka Sweden uu isku dayey goolkaasi kadib inuu soo laabto ayaanan dhicin balse qeybtii hore goolkaasi ayey kusoo idlaatay.

Markii leysu soo laabtay Sweden ayaa bilowday isku dayo kala duwanaa ay ku sooneysay kasoo kabashada dhibaatadii ayka dhaxleyn Goolkaasi, dhowr Fursad oo ay abuureen ayaa sidoo kale Mira dhalin.

Daqiiqadii 59 aad waxaa Goolkii 2aad Xulka Ingriiska ukeenay Xidiga kooxda Tottenham udhaliyey Deli Ali taasoo Xulka Ingiriska hogaanka udheereeyey, hadaba goolkaasi Xulka Sweden waxa uu dilay Niyad ahaan marka la eego soo laabashada Xulka Jir ahaan aad udhisan & Difaacyo da’yad oo ah Xulka Sadexda libaax.

Sweden ayaa intaasi kadib gabagabadii Ciyaarta waxa ay heleen dhowr Fursadood balse Nasiib daro kuma guuleysan iney Ciyaarta kusoo laabtaan , Xulka Ingiriiska ayaa ku adkaaday 2-0 waxaana sidaasi uu ku gaaray Semi Finalka.

Xulka Ingiriiska ayaa sanado badan kadib waxa uu iska Xaadiriyey Semi Finalka walow Koobkan aakhirkii uuku guuleysandoono mid kamid ah Wadamada Yurub kadib markii dhamaan Xulalkii kale ee ameerica , Asia & Afrikaba laga saaray koobkan.

General Editor

Read Previous

Guddoomiye Mursal oo ku wajahan Baydhaba

Read Next

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo magacawday wakiilkeeda Somaliland