Safiirkii hore ee Turkiga oo sheegay in ay Soomaaliya keenayaan Maraakiib Kalluumeysi
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/Raxmaan ayaa la filayaa in uu maanta tago Magaalada Baydhaba ee xarunta ku meel gaarka ah ee Maamulka Koofur Galbeed.
Safarka Guddoomiye Mursal ee Baydhaba waxaa ku wehliya Xildhibaanno ka mid ah kuwa Maamulka Koofur Galbedd ku metala Golaha shacabka.
Waxaa ay Magaalada Baydhaba kula kulmayaan XIldhibaannada Maamulka Koofur Galbeed iyo mas’uuliyiinta maamulka.
Waxaa ay isla soo qaadayaan sidii loo adkeyn lahaa xiriirka dowladda Federaalka ah iyo maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.
Gudaha Magaalada ayaa waxaa ka socda qaban qaabada soo dhaweynta Guddoomiyaha Golaha shacabka.
Ciidamo badan ayaa lagu arkayaa gudaha Magaalada iyada oo dhaq dhaqaaqa Magaalada la adkeeyay,waxaana Ciidamada ay baarayaan Gaadiidka.
