Xeer ilaaliyihii waaranka u jaray Netanyahu oo xil ka xayuubin lagu sameeyay

Karim Khan oo ahaa Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC isla markaana waaranka u jaray Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa xil ka xayuubin lagu sameeyay kaddib markii lagu eedeeyay dambiyo culus.

Qareenkiisa ayaa kiiskaas la xiriira Galmada ee lagu eedeeyay Karim Khan ku tilmaamay mid siyaasadaysan maadaama lagu doonayo in lagu daboolo warqadda xiritaanka ah uu horay ugu jaray Benjamin Netanyahu ee culayska ku noqotay.

Ninkaan uu dhashay Dalka Ingiriiska ayaa markiisa wajahaya dambi uu ku mutaysan karo ciqaab culus waa haddii lagu helo inkasta oo ay jiraan difaac adag oo ay u muujinayaan xubno katirsan isla Maxkamadda kuwaas oo codayntii xilka looga qaaday kahor yimid.

Warqadda soo qabashada Netanyahu waxaa ku wehliyay wasiirkii hore ee Difaaca Israa’iil, Yoav Gallant maadaama ay xasuuq ka dhan ah aadanaha iyo dambiyo dagaal ka gaysteen Magaalada Gaza intii uu socday dagaalkii adkaa ee halkaas ka dhacay.

Karim Khan waxa uu xilkaan laga qaaday hayay tan iyo sannadkii 2021kii, waxaana uu gaaray go’aan lama filaan ku noqday Israa’iil iyo dalalka kale ee garab ku siinaya dhibaatooyinka ay gaysanayso maadaama ay aaminsanayd in aanay xukun lagu ridi Karin.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

‘AS’ oo weerar ka gaysatay Ismaamulka Mandheera

Read Next

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres oo tagay Suuriya