Wiilal Somali ah oo lagu xiray Mareykanka

Hay’adda F.B.I-da Mareykanka ayaa gacanta ku dhigtay saddex wiil oo Soomaali ah kuwaas oo lagu eedeeyay in ay taageere u yihiin urur Argagixiso.

FBI-da Mareykanka waxaa ay sidoo kale sheegtay in ay Raggan saddexda ah isu diyaarinayeen in ay ku laabtaan Soomaaliya si ay u taageeraan Urur Argagixiso.

Wiilashada oo labo ka mid ah ay walaalo yihiin ayaa lagu kala magacaabaa Muuse C/Qaadir Muuse, 23, Maxamuud C/Qaadir Muuse, 20 jir ah, iyo wiil qaraabadooda ah oo lagu magacaabo  Maxamed Salaad Xaaji oo 26 jir ah.

Muuse C/Qaadir ayey FBI-da ka xirtay Garoonka diyaaradaha ee  Gerald R. Ford, Isniintii isaga oo doonayay in duullimaadyo kala duwan uu ku boxo si uu ugu dameyn uga dego Magaalada Muqdisho.

Maxamuud iyo Xaaji ayaa iyaguna la xiray saacado kaddib xarigga Muuse oo lala xiriirinayo in ay iska warqabaan.

Waxaada Caddaaladda Mareykanka ayaa sheegtay in saddexda wiil ay hadda ka hor shaaciyeen in ay daacad uyihiin Ururka Daacish iyaga oo iska duubay muuqaallo ay ku qiranayaan.

 

Mustaqbal media

Read Previous

Russia Ready to Sell Arms to Somalia After Sanctions Lifted

Read Next

FBI arrests three men from Lansing, Michigan, for allegedly supporting ISIS