Uganda oo ciidanka ay u dirayso Gaza ku tusaalaysay kuwa ay usoo dirtay Soomaaliya
Magaalada Brussels ee Xarunta Midowga Yurub waxaa maanta ku shiraya Wasiirrada Gaashaandhigga Dalalka Xubnaha ka ah Isbahaysiga NATO si ay uga arrinsadaan Damaca Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump uu ku doonayo doonayo Jasiiradda Greenland.
Kulankaan waxa uu hordhac u yahay kulan weyne qabsoomaya Khamiista todobaadkaan oo Madaxda dalalka Midowga Yurub uga arrinsan doonnaan tallaabada ku habboon canshuurta cusub uu dul dhigay Madaxweyne Donald Trump.
Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub, Antonio Costa ayaa sheegay in Ururkooda aanay gacmaha ka laaban doonnin xadgudubka uu ku hayo Madaxweynaha Maraykanka, waxa uu ku eedeeyay in habdhaqanka Donald Trump uu yahay mid jaraya saaxiibtinimada kala dhaxaysa.
NATO ayaa aad uga carootay hadallo adag oo uga yimid dhinaca Madaxweyne Donald Trump oo la xiriira in uusan Isbahaysigaas wax tallaab ka dhan ah Maraykanka aanay qaadi Karin, xiligaas waxa uu fariin hanjabaad ah u dirayay Dowladda Denmark.
Mustaqbal
