Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in uu la kulmayo Wariyayaasha ka cabanaya hab dhaqanka Madaxtooyada Soomaaliya.
Wasiirka oo wax laga weydiiyay tacadiyo shalay loo geystay Wariyayaasha qaarkood ayaa sheegay in dowladda aysan raalli ka ahayn waxyeellada Warbaahinta madaxa banaan.
Waxaa uu ballanqaaday in uu la kulmayo Wariyayaasha islamarkaana wixii qaldan la saxayo si ay wada shaqeyn rasmi ah u dhexmarto Dowladda Federaalka ah iyo Warbaahinta Madaxbanaan.
Dhinaca kale Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur ayaa sheegay in Wariyayasha ay baahiyaan warar been abuur ah, sidaas darteedna aysan oggolaaneyn in sameeyaan wixii ay doonaan.
C/Nuur ayaa sheegay in Madaxtooyada ay go’aanka iyada leedahay, sidoo kalena wararka Madaxtooyada la xiriira ay iyaga u dirayaan Warbaahinta.
Shalay ayaa Wariyayaal Xafiiska Madaxweynaha uu ku billamiyay Muqdisho looga baxay halkaas oo ay ku sugnaayeen ilaa duhurkii.
Waxaa kale oo iyana la xiray Labo Wariye oo tabinayay xirnaanshaha Waddooyinka qaar ee Muqdisho oo shalay loo xiray Ra’isalwasaaraha Soomaaliya oo dhagax dhigayay Waddooyinka Muqdisho ku xira Jowhar iyo Afgooye.
